Sign in to follow this  
Deeq A.

Afduubkii Al Shabaab oo Kenya ka hor istaagay Faa’iido ay heli laheyd Bisha December

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Afduubkii dhawaan Al Shabaab ay u geysteen haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa saameyn weyn sanadkaan ku reebaya dalxiiska gobolka Xeebta ay dadka ajaaniibta ku tagi jireen.

Hoteelo iyo goobo dalxiis oo ku yaala gobolka Xeebta ayaa waayay rukumasho dadka ay sameyn jireen xiliyadan oo kale marka la gaaro bisha December, iyagoo ka faa’ideysanaya fasaxooda ciidda.

Ajaaniib badan oo iska diiwaan geliyay goobo dalxiis iyo hoteelo ayaa dib kaga laabtay rukumashadii ay sameeyeen, sabab la xiriirta cabsi amaan oo ay dareemeen kadib afduubkii haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga.

Dhaqaalo badan ayaa Kenya ay ka heli jiray dalxiiska marka la gaaro xiligan oo kale sanad walbaa, laakiin maamulada deegaanka Lamu iyo Kalifi ayaa sheegaya in hoos u dhac dhaqaalo badan ay dareemayaan.

Al Shabaab ayaa looga shakisan yahay inay haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ay ku heystaan deegaanka Boni ee dalka Kenya, waxaana socda dadaalo la doonayo in haweeneyda lagu soo daayo.

Dowladda Kenya ayaa Saddex Nin oo Soomaali ah ku eedeysay Gabadha Talyaaniga u dhalatay taas oo ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay bad qabto islamarkaana kooxda afduubka ku heysta Gabadha iyo dowladda Talyaaniga uu wadahadal u socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this