Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka dhinaca maamulka degmada Baardheere oo weli Cirka Isku sii shareeraya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network):-Weli waxaa Cirka isku sii shareeraya Khilaafka  dhinaca maamulka ah ee ka aloosan degmada Baardheere Gobolka Gedo.

Ku simaha Guddoomiyaha maamulka degmada Baardheere  Aadan Siraad Maxamuud ahna Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee maamulkaas oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in iyagu masuul ka yihiin Khilaafka hareeyay degmadaasi.

Waxa uu xusay Mudane Adan Sirad in Madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay 2 Digreeto soo kala siiyeen Masuuliyiin maamulkaasi Baardheere ka wada tirsan taas oo u muuqata iska horkeen.

Ugu dambeyn Mudane Adan Sirad Maxamud ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dhinaca maamulka ee degmada Baardheere in miiska wada hadalka ku dhameeyaan murankooda islamarkaana aan loo baahneen gacan ka hadal oo dhibaato ku keenaya shacabka degmadaasi.

 

The post Khilaafka dhinaca maamulka degmada Baardheere oo weli Cirka Isku sii shareeraya. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this