Deeq A. Posted December 6, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga xiriirka howl-galada malateri ee ururka Midowga Afrika ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia kusoo gebagabeeyay shir looga hadlayey qorshaha ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka 2021-da. Shirkaasi oo uu gudoominayey gudoomiyaha gudiga amaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika Ismaciil Chergue, ayaa diirada lagu saaray sidii ciidamada nabad-illaalinta ay waqti go’an ugu hayaan Soomaaliya. Wakiilka ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howl galka AMISOM oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa xusay in meel wanaagsan ay mareyso qorshahaasi. Francisco Madeira, ayaa xusay inay dar-dargelin doonan taageerada ay siiyaan xoogaga dowlada Federaalkaa ah ee Soomaaliya, si ay ugu wareejiyaan mas’uuliyada amniga dalka. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay taliyayaasha ciidamada dalalka Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo kala ah; Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Zambia iyo Uganda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore 2017-kii wuxuu soo saaray qaraar ciidamada midowga Afrika ee AMISOM kaga baxayaan wadanka Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2021-ka. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo lagu qabtay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites