Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gestay oo xalay ka dhacay tuulada Hareer-tuur oo qiyaastii 9 KM u jirta dagmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubaland iyo xarakada Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka ayaa la sheegay in dagaalka ay qaadeen isla markaana ay ku sii jeedeen sida la sheegay deegaanka Cara-case oo ku xoogan tahay kooxda Shabaab.

Waxyeelada uu sababay dgaalkaasi ma cadda, marka laga soo tago qoraal ay Al-Shabaab ku baahisay barteeda ay wararka ku faafiso.

Sida ay illo wareedyo dadka degaanka ay ay usheegeen idaacadda Shabelle, ku dhawaad Shan Askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa Jubbaland looga dilay iska hor-imaadka uu keenay dagaalka.

Xarakada Al-Shabaab dhinaceeda waxay tilmaamtay in dagaalka ay ugu geystay dowlad goboleedkaan khasaaro culus, inkasta oo aanu jirin illaa iyo haatan masuul ka tirsan Jubbaland oo ka hadlay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno meesha ay wax ka dhaceen waxay tibaaxaysaa in tuuladda xaaladeedu ay tahay mid degan.

The post Khasaaro ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Gedo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this