Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Kulamo Looga Arrinsanayo Dhismaha Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Oo Ka Socda Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa waxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka waddaa kulamo looga arrinsanayo sidii loo soo dhisi lahaa goleyaasha deegaanka.

Degmooyinka gobolka Shabellaha Dhexe oo ay ugu horreyso Jowhar ayaa la doonayaa in loo dhiso gole deegaan oo doorta hoggaanka maamullada degmooyinkaasi.

Maxamed Cali Caadle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa sheegay in la doonayo maamulka in la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa si dadka oo dhan uga qeybqaataan.

Goleyaasha deegaanka ee la dhisayo ayuu sheegay iney horseed u noqon doonaan in shacabka ay codkooda kusoo doortaan cidda ay rabaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Cabdala-Cusmaan.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this