Deeq A. Posted December 6, 2018 Taaliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan Shabeellada hoose ay ku dileen rag ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen Mareykanka iyo waxa ay ku sheegeen saaxiibada, kana dhacay Awdheegle ayaa lagu dilay 4 Al-shabaab ah, iyaga oo intaasi raaciyey in aaney ku jirin waxyeelo shacabka. Mareykanka ayaa sanadkan keliya waxaa uu fuliyey in ka badan 38 duqeyn ah, taas oo ka badan sanadihii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites