Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgallo ballaaran saaka waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koofur Galbeed Somalia.

Howlgalladaasi ayaa la sheegay in Guri Guri loogu baarayay Xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Waxaana Howlgallada la sheegay in ay qeyb ka yihiin xaqiijinta Nabad gelyada Baydhabo xilli la filayo in dhawaan ay ka dhacdo halkaasi doorashada Madaxweyne ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba waxaa aad loo aadkeeyay Ammaanka Magaalada Baydhabo oo dowladda dhexe ee Somalia ay ku xoojisay Ciidamo hor leh.

 

The post Howlgallo Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this