Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ku Xigeenkii Barlamaanka Kenya Faarax Macallin Ma Wariye Ayuu Noqday?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya qabsaday muuqaal uu soo duubay Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin oo sannadihii 2007-da ilaa iyo 2013-ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii barlamaanka Kenya.

104625397_6a6d82de-959b-4ce6-abc4-f98991

Muuqaalkan oo uu horudhac uga dhigay barnaamij uu sheegay in uu daadihin doono, lagan a baahin doono telefishenka Ebru ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in uu uga golleeyahay sidii loo falanqeyn lahaa arrimaha ka taagan dalka Kenya oo ay kamid tahay hay’adda sharci dejinta.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @EbruTVKenya

Embedded video

y9EwqouR_normal.jpeg

Ebru TV Kenya@EbruTVKenya

He has been in the boardrooms & on the chair,Spent 30 years in politics and has seen it all. Join @FarahMaalimM on #SpeakersGallery Coming soon on Ebru TV Kenya

57 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @EbruTVKenya

Faarax maccalin ma wuxuu isu badelay wariye?

Dad badan ayaa isweydiiyay mar haddii Faarax uu noqon doono barnamaij daadihiye inuu isu badelay wariye, hasa yeesehee wareysi ay BBC-du la yeelatay ayaa Faarax Maccalin waxa uu sheegay in uusan isu badelin saxafi, balse uu yahay qof doonaya in barnamaijkaasi lagu taxliiliyo waxyaabaha ka taagan Kenya.

”Maya anigu wariye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada dooda ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo wariyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Faarax Macallin.

Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu yahay mid dadka loogu bidhaamin doono waxyaaba badan, isagoo na tusaale u soo qaatay barnaamijka HardTalk ee BBC-da iyo barnaamijkii Jesse Jackson oo ahaa nin u olloleyn jiray xuquuqda dadka rayidke ee Mareykanka, soona bandhigi jiray barnaamijyo dooda ah oo lagaga hadlayo waxyaabaha ka taagan Mareykanka iyo arrimaha bulshada.

”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigi ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin.

Dhexdhexaadnimada

Inta badan siyaasiyiinta ayaa looga bartay in ay aad u difaacaan afkaarta ay aaminsanyihiin, hasa yeeshee Faarxa ayaa sheegay in dooda uu daadihiin doona ay u baahantahay oo keliya in la ilaaliyo anshaxa iyo asluubta balse aysan jirin qof dhexdhexaad ah, wuxuuna intaa racaiyay in uu aqoon u leeyahay qeybinta doodaha, maadaama uu horay usoo noqday ku xigeenka afhayeenka barlamaanka Kenya isagoo katirsan xisbi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this