Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayuurado Millatariga Maraykanku Uu Leeyahay Oo Isku Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington0-Dadaallo lagu baadi goobayo, laguna badbaadinayo ayaa socda ka dib markii saaka labo dayuuradood oo militariga Maraykanku uu leeyahay ay iyaga oo duulaya isku dhaceen, kuna burbureen Badweynta Pacifigga. Shilka ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebta dalka Japan, sida ciidanka marineska ee Maraykanka laga soo xigtay.

124A0296-8071-46C4-BF14-ECC9843EB646_cx0

Ugu yaraan hal askari oo marines-ka ka tirsan ayaa waxa soo badbaadiyey ciidanka difaaca nafta ee Japan. Labada dayuuradood waxa midkood saarnaa 3 qof halka ta kalena ay labo saarnaayeen.

Dayuuradaha ayaa tababar ku jiray xiligii shilku dhacay, waxayna ka mid ahaayeen dayuuradaha ciidanka Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Japan oo tiradooda lagu qiyaasay 50 kun oo askari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this