Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray war cusub oo ku saabsan Somalia xaalad jirta awgeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo soo saaray war cusub oo ku saabsan Somalia xaalad jirta awgeed

usa-300x188.jpg
Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan La-talinta dhinaca Socdaalka waxay ka digtay Xaalladda aan degganayn ee Ammaanka ee dalka Somalia iyo  inay weli jiraan cabsi dhinaca Ammaanka ee Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay  falal Dembiyeedka sida Burcad-baddeeda iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisadda.

Telefishinka ABC News oo warkan baahiyey ayaa tilmaamay in Amni-xumida ka jirta Somalia la gaarsiiyey Heerka 4-aad ee ugu khatarta badan, sida lagu muujiyey Halbeegga  qiimeynta Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia, iyagoo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageera dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Ciiddamo Maraykan ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo La-talin siiya Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Bishii June ee sannadkan, Askari Maraykan ayaa lagu dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay dagaal  ay Ciiddamo Maraykan iyo Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Baar Sanguuni ee duledka Kismaayo.

Dilka Askarigaasi ayaa ahaa kii 2-aad oo Maraykan ah oo lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey iska horimaadkii Askar Maraykan iyo Maleeshiyo taabacsanaa Jeneral Caydiid oo ku dhex maray  magaalladda Muqdisho sannadkii 1993-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka soo saartay Khatarta dhinaca Socdaalka ee Somalia waxay ku soo beegantay iyadoo ay  Maraykanka Safaarad Rasmi ah ka furteen magaalladda Muqdisho.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this