Sign in to follow this  
Deeq A.

Proff. Axmed Ismaciil Samar Oo Si Cad U Sheegay Inay Fashilantay Hoggaamintii Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii Laga Filaayayna Lagu Hungoobay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo bandhigay.

17BB1277-9462-4C3D-9A26-7AF5B0A6A7C9.jpe

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan.

Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka

dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye”
Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi

Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay.
Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsare u isticmaali jireen kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada.
Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo waday qorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya.
Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa.
Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019.

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh.

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina aanay la iman wax qorshe ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Proff Axmed Ismaciil Samatar

Somaliland’s Stakes In A Fast Changing Horn Of Africa – Professor Ahmed I. Samatar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this