Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay weerarkii Awdheegle iyo khasaaraha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weerar khasaaro geystay uu ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose waxay ka hadleen weerarkaasi iyo waxyeelada ka dhalatay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ay la eegteen ciidamada Al Shabaab oo ku sugan deegaankaasi saldhig ay ku lahaayeen.

Goobta la weeraray ayuu sheegay in Al Shabaab ay ku uruurin jireen Canshuurta , sidoo kale wuxuu sheegay in goobta ay ka qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha iyo magaalada Muqdisho.

Walow uusan sheegin tirada Al Shabaab ay ee ku dhintay weerarka, haddana wuxuu sheegay in saraakiil ay kamid ahaayeen dadka lagu dlay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in waxyaabaha qarxa oo Al SHabaab ay diyaarinayeen laga hortagay, islamarkaana goobta lagu dilay xubno muhiim u ah Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka SHabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan xarumo kale oo Al Shabaab ay ka diyaariyaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi waxaa si Wadajir ah u fuliyay ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this