Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka xuquuqda Siyaasiinta Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal ajande, oo ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda.

Shir gudoonka wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ugu horeyn, Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, oo ah Xoghayaha guddiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen.

Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen.

Xilldhibaan Yaxye ayaa inta uu ku guda jiray hadal-jeednta wuxuu golaha ka codsaday in cod la geliyo si uu meel mar u noqdo.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa cod  geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda.

167-Xildhibaan oo fadhiga soo xaadirtay ayaa ogolaatay in la meel-mariyo ,iyadoo uu diiday hal mudane, xili labo kale ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

The post Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka xuquuqda Siyaasiinta Dowladda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this