Deeq A. Posted December 5, 2018 Garowe (Sh.M.Network) – War kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha doorashooyinka maamulkaan. Ku xigeenkiisa Cabdi Xakiin Xaaji Cumar [Camey] oo dhowaan ka hor-yimid Guddiga khilaafaad xalinta oo uu Gaas magacaabay ayaa lagu sheegay bayaanka inuu arrintaasi dano gaar ah ka leeyahay ayna ka dambeyso dowlada dhexe. Madaxwaynaha Puntland ayaa geesta kale wuxuu difaacay sharciyada Guddiga uu soo magacaabay, kuwaasi oo uu carabka ku dhuftay inuu awood usiinayo Dastuurka ugaarka ah dowlad goboleedkani. Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in Guddiga uu Gaas magacaabay oo ka kooban 10 xubnood ay shaqadooda guda geli doonan, islamarkaana doorashadda ay ku qabsoomeyso xiligeeda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka The post Maamulka Puntland oo eedayn culus ujeediyay DFS appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites