Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha Aqalka Sare oo meel-mariyay sharci muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Fadhiga Gollaha oo ahaa kulankii 9aad oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad, ayna soo xaadirtay 31 mudane ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay ayaa shaacisay in lagu soo daray talooyin ka yimid mudanayaasha.

Intaa ka dib, waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka oo ay ansixiyay dhamaan sanatarda goobjoog ahaa kulanka oo gaarayay 31 mudane.

Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada cadaalada, Abuukate Xassan Xuseen Xaaji.

Wasiirka oo umahad-celiyay Xilldhibaanadda ayaa cod ujeediyay Sharci-dejiyaasha Aqalka Hoose isaga oo ka dalbaday inay dhankooda meel-mariyaan.

Sharcigaan ayaa la horgayn doonaa Madaxwaynaha dalka si uu usaxiixo, islamarkaana loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.

The post Xubnaha Aqalka Sare oo meel-mariyay sharci muhiim ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this