Deeq A. Posted December 5, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubno ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Mooshin ka diyaariyeen heshiisyo ay tilmaameen inay dowladda dhowaan lagashay dalalka caalamka. Mudanayaasha oo war-fidiyeenka kula hadlay gudaha xarunta Aqalka Hoose ee magaaladda Muqdisho ayaa si gaar ah waxay farta ugu fiiqeen heshiisyada ay dowladdu la gashay dalalka Ethiopia iyo Eritrea. Sharci-dejiye Cabdifitaax Daahir Ismaaciil, oo kamid ah Xilldhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in heshiisyadda la horkeeno Gollaha si loo turxaan bixiyo. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mutawakil.mp3 The post Mooshin laga diyaariyay heshiisyada ay gashay dowlada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites