Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Camey oo ciidan ka dalbaday Buuhoodle iyo xiisad ka taagan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, iyaga oo dhawaan soo kala saaray laba gudo oo is khilaagsan.

Gaas waxa uu magacaabay gudiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka isaga oo aan ka talo galin Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo dastuurku dhigayo in ay magacaabista qeyb ka ahaadaan.

Camey oo la tashaday gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu durbadiiba soo magacaabay gudi kale oo xiisad ka abuuray Garowe iyo Puntland guud ahaan.

Iyada oo uu xaalka halkaas marayo ayaa waxaa hadda Garowe laga dareemayaa jawi collaadeed iyo kala shaki. Musharixiinta Puntland oo dhammaan wada hubeysan ayaa laga baqayaa in ay sida ay ku hanjabeen dagaal toos ah la galaan Cabdiweli Gaas.

Camey iyo Buuhoodle

Warar lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxaya in Injineer Camey uu Buudoodle ka dalbaday meeleshiyaad 100 gaaraya oo beeshiisa ah iyada oo uu ujeedku yahay in uu Gaas kula dagaalamayo xulista 17-ka xildhibaan ee ay Sool clan ku leeyihiin 66-da uu baarlamaanka ka kooban yahay, oo Gaas uu doonayo inuu soo xulo..

Khilaafka ugu weyn ee ka dhextaagan hadda ayaa sida la ogyahay salka ku haya cidda xuli doonta 17-ka xildhibaan ee beesha Siciid Harti (Sool clan). Haddii Gaas uu xulo waxay la macno tahay inuu doorashada ku guuleystay, taasi oo Camey uu diidan yahay.

Camey ayaa sidoo kale qaba cabsi kale oo u gaar ah, maadaama ciidamada Garoowe jooga ay badankood ka amar qaataan Gaas.

Maxaa dhici kara?

Haddii ciidamada uu Camey dalbaday soo galaan Garowe  waxa ay halis galin doonaan ammaanka magaalada oo markii hore la ciir ciireysay maleeshiyo beeledyo kala taabacsan musharixiinta 30-ka ku dhaw ee u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland.

Dareenka shacabka Garowe?

Shacabka Puntland ama beesha Harti dhammaan waxa ay qirsan yihiin in Cabdiweli Cali Gaas xaaladda xumeeyey kaddib markii uu talada ka maroorsaday ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Hore wey u dhici jirtay in Madaxweyne xilka haya so magacaabo gudiga xallinta khilaafaad iyo ansixinta baarlamaanka balse waa markii ugu horreeysay ee uu qaab kali talisnimo ah madaxweyne u magacaabo guddi nocaas ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garooowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this