Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland Oo Eedeymo Kulul U Jeediyay Dawladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay khalkhal gelinayso doorashada madaxweynimo ee Puntland.

Gaas-740x494.jpg

Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne ku-xigeenka Puntland meel iska dhigay mas’uuliyadii loo doortay taas bedelkeena kana doorbiday fulinta Awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasilloonida puntland taas oo ay sheegeen in laga soo faray Muqdisho.

ilaa hadda madaxweyne ku-xigeenka Puntland kama jawaabin eedaynta loo soo jeediyay.

Camay iyo Gaas, ayaa midkastaa magacaabay guddida xallinta khilaafaadka iyo Ansixinta wakiillada Puntland.

Akhriso War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland.

Puntland.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this