Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Eritrea Isiyas Afawarki Oo Dhawaan Booqan Doona Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Eritrea)-Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaadhaan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay.

d4a015c0e186c702b2a8ba5aafd72e0ebea0b137

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadol ku sheegay in madaxwayne Isiyas Afawarki uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

Afawarki ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan siddii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaag iyo nabadgalyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wadaxaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxwayneyaasha Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ku dagaalameen jasiiradda Dumera oo dal walba uu sheeganayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this