Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka_Sare-1.jpg?resize=810%2C540&ssl=1Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta ansixiyay dhismaha guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa oo ay horay ay u soo ansixiyeen golaha shacabka ama Aqalka Hoose.

Golaha Aqalka Sare ayaa Hindise-sharciyeedka ka yeeshay kulank gaar ah, kaasoo maray akhrintii saddexaad, waxaana maanta loo ballan-sanaa in cod loo qaado sharcigan oo muhiim u ah la dagaalanka musuq-maasuqa jira.

Kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadiray 31 Senator, Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xuquuqul insaanka, haweenka iyo carruurta.

Senator, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor-akhrisay Senator-rada Golaha Aqalka Sare Hindise-sharciyeedkan, iyadoo dul-is-taagtay Talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad, Intaa kaddibna waxay xubnaha goluhu cod u qaadeen sharciga dhismaha gudiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, waxaan ansixiyay dhamaan Senator-radii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu ahayd 31 Senator.

Anisixinta dhismaha guddigan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo sanadkan lagu daray Somalia dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, xilli madaxda Dowladda Federaalka ay sheegayaan inay dagaal adag kula jiraan musuq-maasuqa iyo wixii la xiriira.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa; Wasiirka Cadaaladda DF, Avv. Xassan Xuseen Xaaji, Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi C/llaahi.

Aqalka_Sare-2.jpg?resize=810%2C540&ssl=1 Aqalka_Sare-3.jpg?resize=810%2C540&ssl=1 Aqalka_Sare-4.jpg?resize=845%2C476&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this