Deeq A. Posted December 5, 2018 Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland. Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa. Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka,balse uusan qeyb la noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo. Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah,kuwaasoo sheegay in aan lagala tashan magacaabistooda. PUNTLAND POST The post Xubin kale oo iska’casilay guddigii Camey magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites