Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xildhibaan Xog Badan Ka Bixiyey Mooshin Maanta Loo Gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaashii golaha shacabka ee maanta guddoonkooda u gudbiyey qoraal lagu dalbanayo in laga doodo heshiisyadii uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Ethiopia iyo Eritrea ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraalkaasi.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay doonayaan dood in laga sameeyo heshiisyada iyo is afgaradyada lala galo dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwii madaxweynaha lasoo galay dalalka deriska ah.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mooshinkan ay gudbiyeen uu mari doono habraaca rasmiga ah, islamarkaana maalinta Sabtida ah golaha lala wadaagi doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/xildhibaanka-golaha-shacabka.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this