Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqii Hore Ee Muqdisho Oo Noqday Safiirka Soomaaliya Ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Waxaa maanta warqadaha ka guddoomay madaxweynaha Uhuru Kenyatta.

Nur oo duqa Muqdisho iyo guddoomiyaheeda ahaa inta u dhaxeysay 2010 ilaa 2014, waxaa uu 2016-kii ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxtinnimada, waxaa uu hadda baladayaa Jamaal Xasan oo ka mid ah golaha wasiirrada, waa wasiirka qorsheynta.

Magacaabistiisa ka hor, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  waxaa uu ahaa la-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo.

Maanta ayaa lagu qaabilay madaxtooyada Kenya, waxaana sidoo kale aqoonsiga laga guddomay 16 kale oo safiir.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this