Deeq A. Posted December 5, 2018 Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay xanibeen guud ahaan dhaq dhaqaaqii Xildhibaanadaasi. Lama oga tiro ahaan inta ay la’egyihiin Xildhibaanadaasi ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu go’doomiyay halkaasi. Balse Xubnahani ayaa ka mid ah Mudanayaal ka horyimid guddi qaabilsan arrimaha doorashada oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Ciidanka J/land Oo Xildhibaano ku hareereeyay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites