Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo dib u bilaabaya howlihiisa Diblomaasiyadeed Ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u bilaabeyso xariirkeedii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kaas go’sanaa 28 sano.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay sabab u tahay horumarka haatan ka hana qaaday Soomaaliya.

Donald Yamamota oo haatan ku wajahan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu horkacayo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliy, kaas oo markii hore fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Dowladda Mareykanka ayaa xirtay Safaaradeeda Soomaaliya sanadkii 1991-kii, xilligaasi oo uu bilowday dagaalkii lagu burburiyay dowladdii dhexe ee dalka.

Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa tallaabadani  ku tilmaantay mid ay Soomaaliya horay u qaaday, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya dib loo aqoonsaday sanadkii 2013-kii.

Afhayeenka ayaa intaasi ku dartay in labada dalba haatan ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, dimoqoraadiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhawaantani Safiir cusub u soo magacawday Muqdisho, isagoona sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee K/ Soomaaliya.

The post Mareykanka Oo dib u bilaabaya howlihiisa Diblomaasiyadeed Ee Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this