Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo war ka soo saartay howlgal laga fuliyay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaalia ee NISA ayaa ka hadlay weerar ay diyaarado dagaal ka qeyb qaateen oo xalay ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amnigu howlgal qorsheysan ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

NISA ayaa shaacisay in weerarkan lala bartilmaameedsaday goobo lagu farsameynayay walxaha qarxa.

“Howgal Ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xarun Al Shabaab ay ku laheyd Tuulada Awdheegle ayaa lagu qabtay walxaha qarxa, Ciidanka ayaa naftooda u hura badbaada shacabka”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Hay’addu ma shaacin haddii uu jiro khasaare Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkaasi.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa ka hadlay howlgalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in ay iska caabiyeen, kana hortageen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Bankaraafta Soomaaliya.

Waxaana Al Shabaab ay baahiyeen in Gantaallada qaar ay ku dhaceen Suuqa Caanaha Awdheele iyo xaafadda Caanoole ee degaankaasi, halkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale Al Shabaab ma shaacin wax khasaare ah oo iyaga soo gaaray ama dadka Rayidka ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaaday duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda K/ Soomaaliya.

The post NISA Oo war ka soo saartay howlgal laga fuliyay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this