Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadani oo ah kuwa badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi, balse waxaa waayadan jirtay cabsi ay Kenya ka qabtay weeraro kaga yimaada Al Shabaab.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan.

Muddooyinkii dambe ayaa Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

The post Ciidanka Kenya Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this