Deeq A. Posted December 5, 2018 Shicib-yahaw wacani, waa-beryaba, warqad kuugu qorey, werwer aan qabiyo, waayo’arag an ahay, wixii aan ka helay, walaal kuu werinayoo, warka kugu hirgisay, waad diidayoo, waa kaa askari, weger kugu yidhee, walbahaar dartii, is-wajaaf-tayoo, isku waalataye, waxa aad rabtiyo, waxad diidan tahay, weli maad garane, sidda weere adhi, wadartii dhamaan, weetay-nayoo, cidla uu wadh-wadhay, waaxya-hoodi baa, haad ku welef-sadee, wax ka celiya jirin, warwareeg-tayoo, weheshiga qabiil, reer hebel warkii, baad wanaajisaa, waxad taransa-tana, weli lama hayee, waar hoo wax fahan, waaqla hays dhigina, wadan-keena bilan, wadeecadda ka dhawr, cadaw wiirsiggii, yaan loo wan-qalin, wadaddii horee, aad ku wiiqan-teen, baad weli wadaa, waar hooy ka joog, imisaan wax garo, wax hays yeelinoo, hays goyn wadnaha, imisaan war gelin, waaniyo wax sheeg, tallo waafiyiyo, murti weyn ku idhi. Maqaleey war-laay, waxan hoos u eeg, waxaan kuu wacnayn, been iyo warkeed, ka wisiisiyoo, xumahaa wadaan, baan ka webinayaa, wuu waalanyee, wuxuu kuu akhriyo, hay wadin ku odho, ka waantaw askari, walaaca-na ka durug. intaa dabadeed waxan halkan hoose kuugu sawirayaa, arimo aad u xasaasi ah, oo ay askartu ku federay-satay dalkii, ee ku soo dhawaw waa tane:- Hadaan karintan laga guurin ( Kulmiye) Diin Kabaalaysan iyo dacawo kooraysan baa la arki doonaaye, ila war suga ummad yahay. Akhristaw, lix qodob oo hore ay u ansixi-yeen, baarlamaan ku, buu dib u soo celiyey, oo hadda uu rabaa in ku noqdo keliggii taliye, siduu doon-na ugu dul socdo ummadda, afar ka mid ah 6 qodob ee aan sare ku sheegay, waxa ay ahaayeen, oo qalinka ku duugay ansaxin-toodda Madaxweyna-yaashi Daahir Riyaale iyo Siilaanyo, 2 qodob-na isaga laftiisa baa ansixiyey, ” Hablo Caaye” baa kula taliyey in uu dib u furo, waana kuwane rumayso ama ha rumaysan, aday kuu taalaaye, aniga waajib-kaygu waa in aan ku sheego waxa khaldan. (1) Xeerkii furitanka Xusbi-yadda, ee casriggii Riyaale ee Gudidda Diwaan gelintu, ka dhigeen 10kii sano-ba in mar la furo, hadeer buu ku soo celiyey golaha guurti ku sheega, oo amarka madaxtooyadda ku shaqeeya, waxay yidhaaheen, waa in shan sano laga dhigaa, iyaka oo adeegsa-naaya, Qaar dhuuni raacyo ah, oo golaha ka tirsan, sababta loo galgala-nayaana waxa weeye:- (a)) In ruqsadda Xusbi-nimadda laga qaado Waddani, waayo Reer aan la ogalayn, in uu saaxadda siyaasadda soo galo haba-yaraatee, bay ku sheegeen in uu leeyahay. (b) In dalka laga dhigo xusbi keliya ( oo ah kulmiye), kaasna ay jeegaantu gacanta ku hayso weligeed, si aan wax iyaka ahayni madax uga noqon dalka, lagana ilaaliyo beelo gaar ah, oo kulmiye uu noqdo xusbiggii Robert Mugabi ee Zimbabwi. (2) Xeerkii Boliiska, oo isana loo fasaxay in ay askartu waxay, iyaka oo loo kala ab-tirinaayo, taas oo ay si gaar ah mucaaridka loola dagaala-maayo, inta kale magtoodda la siinaayo, laakiin wixii mucaaridka ah ee ay leefto rasaastu waa ka kac, u jeedadda uu u soo celiyey xeer-kaas asakrigu, waa sidas in uu dadka ku kala reebo oo una yeelo dabaqado. (3) Xeerka qoyska, oo imika laga dhigay kii baybalka kiristanka ( Christian bible code), oo loo fasaxay in gabadhi, haddii aanay doonayn nin-keedda, ay odhan karto, kuna dacwayn karto, kiis ah wuu I kufsaday, hore-na waxa u yimi dal-keena, markii la sharci-yey-naayey waxan qudhunka ah, kii baarlamaanka ingiriiska ahaa, ee ragga is qaba ugu sareeyey ( fanka-cawdu-bilaah). (4) In Saami qayb-siggii Xildhibanao ku sheega oo aan isu dheeli tinayn isna Meesha laga saaro, buu u soo celiyey. (5) Waxa uu soo wadaa hadda, oo loo soo gudbinayaa dhawaan, kuwan loogu yeedho guurtidda, warqad uu ku soo faygaray askarigu, taas oo odhanaysa, waa in Madax-weynaha laga dhigaa 10 sano, oo mar qudha la doorto, iyadda oo aan loo kala jebin laba jeer, oo min shan sano ah, doorasho u dhaxay-sana laga saaro Meesha ( Waa sidda ay imika tahaye), waayo wuxu qoon-daystay in aanu doorasho-dambe gelin, ee sidaas ku dhamaysto 10 sano, iyo dhii-dhii uu ku sii darsado. (6) Xeerka ganacsiga Qaranka, oo in gaar ah loo xidhay, taas oo aan la rabin in ummadu ruqsadda ganacsiga u sinaato, loo xakameeyey jeegaanta oo keliya sidda qandaraas-yadda. Wixii hore-ba ka kac weeye, wax yaalaana Meesha ma jiraan, maamul ka socdaana ha sheegin, ee waa la iska qasanayaa, ee waa xero in yari xoolo ku dhaqato. Wuxu bilaaaby in uu mid-mid u bedelo distoorkii qaranka, oo uu ku salaxdo siduu rabo. Muwaadin, horaa loo yidhi hunguri sharci ma dabaalo, diin xukunta iyo cid qabtaa mid-kood-na ma Jiro, xishood iyo wanaag, qun yar socdda horaa looga quustay, waxa keliya ee celiyaa waa caloosha, oo loo buuxiyoo qudha, nin hunguri iyo xoolo bilaashi u muuqana-yaan ama ay u hilaacayaan, daacad-nimo ka dheere, iska daa wax uu tiig-sado iyo in uu u cidhib-sado’e, salaan dheer buu cirka ugu koraaya ,siddii uu uga digsiin lahaa xaaraanta lagu qaatay iyo boobka loo soo kala bereta-maayo. waxan-se kuu hubaa in ay iman doonto, maalintii uu lahaa (IHN) Aabihii abwaanadu, waa Ahmed Ismaaciil Diiriye’e ( Qaasim). ” Mar uun buu daboolka iska rogi doob la quudh-sadaye”. Waxa uu ku dhan yahay maqaal-kani, wixii af-weyne ka xishoon jirey, bay ku faanaan kuwan kulmiye sheegtaa. N.B Is Moog Udbii Bay Aslaysaa! Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites