Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas oo Camey iyo DFS ku eedeeyay in ay khal-khal ku hayaan doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenkiisa in uu khal-khal ka abuurayo doorashada madaxtinimada Puntland ee la qorsheeyay in ay dhacdo 8 Jan 2019.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay Puntland ku jirto,waxaana eedaha war-saxaafadeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland oo fulinaya awaamiir laga soo siiyay magaalada Muqdisho loo adeegsanayo khal-khal gelinta doorashada Puntland.

Dhinaca kale war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu caddeeyay in doorashadu ay ku dhacayso wakhtigii loogu tala-galay,islamarkaana waxaa shacabka lagu wargeliyay in ay u diyaar-garooban doorashadaasi.

FB_IMG_1544005565350.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Gaas oo Camey iyo DFS ku eedeeyay in ay khal-khal ku hayaan doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this