Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo La-taliye ayaan u ahay balse hal arrin kama yeelayo” Waxaa sidaa yiri…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta la dhacsan hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado, ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo xilka uu rasmi ahaan ka hayo dowladda.

Salaad Cali Jeelle, ayaa mar la weydiiyay waxa uu rasmi ahaan ka hayo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay lataliyaha siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, sida uu sheegay uu kala taliyo arrimaha siyaasadda iyo amaanka.

Wuxuu mar labaad ku celiyay sababta uu horey ugu sheegay in Al Shabaab ay xubno ku dhex leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyneyso ergooyinka ay Al Shabaab ku dhex dileen magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan.

Dowladda Soomaaliya ee hadda dhisan ayuu sheegay in laga doonayo in dalka ay gaarsiiso doorasho cod iyo qofkii ah, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan haddii aysan fulin balanqaadyadii horey ay hogaanka dalka u jeediyeen.

Mar la weydiiyay sida isaga oo lataliye ah uu ula xisaabtami karo dowladda Soomaaliya ayuu yiri ”Madaxweyne Farmaajo waxaan saaxiib kula ahay wuxuu ii magacaabay la taliyihiisa Amniga iyo Siyaasadda oo heshiis ayaan kula jiraa, hadiise dalka doorasho qof iyo cod ah uu gaarsiin-waayo waa uu la xisaabtamayaa Xisbigeygu kamana aqbaleyno”.

Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayuu Salaad Cali Jeelle sidoo kale kaga hadlay khilaafka ka dhashay qoraalkii kasoo baxay guddiga maaliyadda Soomaaliya ee sababay xiisadda badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this