Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Weerar ka dhacay Awdheegle iyo Al Shabaab oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo xalay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanayo ay ku qaadeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Isbaheysanaya ayaa weerarka ku qaaday deegaanka oo Al Shabaab ay xarun ku leeyihiin, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan, walow aanan la shaacin heerka khasaaraha uu gaarsiisan yahay.

Saraakiisha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab damacsanaayeen inay weeraro ku geystaan.

Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay deegaanka iyaga oo ka degay diyaarado ay adeegsanayeen.

Al Shabaab dhankooda waxay sheegeen inay iska caabiyeen kooxaha weerarka kusoo qaaday, waxaana baraha ay ku faafiyeen wararkooda ay ku sheegeen in jab ay gaarsiiyeen dadkii soo weeraray.

Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaana todobaadyadii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysanayeen Maamullada Galmudug,Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this