Deeq A. Posted December 5, 2018 TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD Siday hore idiinku sheegeen wariye Khaalid Foodhaadhi iyo wariye Abdi Bidhaan Dahir LIBERLAND dulkeedu wuxuu Dhanyahay 7km2. Hadaba Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay Dawlada ( Republic MONACO) oo dulkeedu dhan yahay 2km2, waxana dagan 38.000 qof Monaco waa dal ku dhex yaala FRANCE oo dunidana laga ictiraaf sanyahay. Waxa aad loo yaqaanaa naadiga kubada cagta ee Manoco kana ciyaara horyaalka France waxa hada tobabare u ah laacibkii waynaa ee Thierry Henry. Muwaadin kasta oo reer Monaco ah sanadkii waxa soo gala lacag dhan 151,000 iyagoo noqonaya shacabka ugu dakhliga badan dunida. Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay dawlada Vatican ka oo dhulkiisu leeg yahay 0.4km2 wuxay in yar ka wayn yahay garoonka kubada cagta ee Hargaysa. Ma ogtahay in dalka Republic of NAURU yahay dal la qoon sanyahay oo dhulkiisuna dhan yahay 21km2. Ma ogtahay in dalka TUVALU laqoon sanyahay dulkiisuna dhan yahay 26km2. 5taa dawladood een xusay Dhamaan tood waxa ka wayn magalada HARGAYSA oo dhan 33km2. Waa halkii TELESOM ee Muhiimadu waa TAYADA maaha Baaxada, LIBERLAND oo ah 7km2 waxay leedahay 80 safaaradood oo waxay qancisay sideetan dal inay xafiisyo kafurato. Inaguna, mee Rooble Mohamed . Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 5AAD Amb Ahmed Safiina Sawiradan hoosta ka muuqda waa MONACO oo dhan 2km2 11 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites