Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Muxuu Guddoomiye Mursal Ka Dhahay Kala Dirista Guddiga Maaliyadda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay  Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay.

Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda.

Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this