Deeq A. Posted December 5, 2018 Awdhiigle ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday goobo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarun Al Shabaab ay ku qaadaan Canshuuraha iyo Saldhiga ay ku leeyihiin halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Gantaalo xoogan lala beegsaday xarumahaasi, islamarkaana ay burbureen. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in duqeyntan lagu burburiyay Gaari nuuca raaxada ah oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib Ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Awdhiigle, kadibna iska hor imaad culus uu ka dhacay degmadaasi. Lama oga khasaaraha rasmiga ee Xarakada Al Shabaab ka soo gaaray duqeynataasi. Illaa iyo haddana ma cada heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay soo wajahday cabsi xoogan, kadib duqeyntaasi. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites