Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandow xoogan Oo lagu soo rogay M/ Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saaka Bandow ay ku soo rogeen magaalada Baardheere ee G/ Gedo.

Bandowga oo ah mid balaaran ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Waxaana Albaabada la’isugu dhuftay goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Arrintan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka jira  magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona Ciidamada badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi.

The post Bandow xoogan Oo lagu soo rogay M/ Baardheere appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this