Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanataro Mareykan Ah Oo Mas’uuliyada Dilkii Khashoggi Dusha U Saaray Binu Salmaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka ayaa Talaadadi shalay sheegay in ay jiraan daliilo cad oo muujinaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ka danbeeyay dilki magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Kashikji.

104620856_hi050970505.jpg

Mudanayaashaan ayaa diiday hadalki madaxweyne Trump ee ahaa inuunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga.

Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaada laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay.

Mudane kale oo ka tirsan xildhibaanada Jamhuuriga kana soo gala Koongareeska Mareykanka gobolka South Carolina, Senator Lindsey Graham ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Kashikji.

Sacuudiga ayaa beeniyay in dhaxalsugaha Boqortooyada uu wax lug ah ku lahaa dilka saxafiga loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, labadii bishii October.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this