Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Jamhuuriga Ee Dalka Maraykanka Oo Email-lo Laga Jabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Masuuliyiin ol’olaha doorashada u qaabil sanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa email-ladooda la jabsaday ka hor doorashadii xiliga dhexe ee dalka Maraykanka, sida hadda soo baxday.

104623325_934e30c6-0269-4914-a2ad-525f59

Guddiga xisbiga Jamhuuriga ee Congres-ka oo magaciisa loo soo gaabiyo NRCC ayaa sheegay in email-ladooda loo dhacay, isla markaasna aysan garanayn cidda sidaas yeeshay, balse ay ku wargaliyeen hay’dda dambi baarista Maraykanka ee FBI.

Masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay in aan la shaacinin email-ladii loo dhacay.

Barta wararka daabacda ee Politico oo markii u horraysay warkan tabisay ayaa sheegtay in weerarkaas lagu bartilmaameed saday afar kaaliye oo sarsare.

Waxay sheegtay in email ladaas lala socday bilooyin balse bishii Abriil ayuu ogaaday masuul ka tirsan NRCC kaas oo guddiga war galiyay.

Guddiga NRCC ayaa isku duba rida ol’olaha murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee ka qaybqaadanaya doorashada Aqalka Wakiillada.

Website-ka Politico oo soo xiganaya masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay guddiga NRCC uusan masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga la wadaagin macluumaadka email-lada loo dhacay.

Guddiga ayaan sidoo kale la wadaagin xubnaha baarlamaanka taas oo adkaynaysa in la ogaado ciddii ka dambaysay dhibaatadaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this