Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga Oo Ku Martiqaaday Amiirka Dalka Qatar Shirka Golaha Iskaashigga Khaliijka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December.

Saudi-King-696x392-1.jpg

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Qatar Amiirka dalka Qatar ayaa helay martiqaad uga yimid Boqorka Sacuudiga, balse ma sheegin inuu Amiirka ka qeyb galayo iyo in kale.

Dowladda Qatar ayaa weli shaacin heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka

Martiqaadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC.

Shirkii sanadkii hore ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeesheen dalka Kuwait ayaa dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ay u direen Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeno, bedelkii la filayay in madaxdooda ay tagayaan

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado hawada, badda iyo dhulka ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay iska fogeysay eedeymahaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this