Deeq A. Posted December 5, 2018 Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ka qeyb galay madaxda Jubbaland, masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM. Waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, isaga oo shirka ka jeediyay warbixin la xiriirta xaaladda amaan ee deegaanada Jubbaland iyo qorshaha deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe, wuxuu shirka ka sheegay in sanadkaan AL Shabaab ay ka qabsadeen deegaano badan, islamarkaana ay ka wanaagsan yihiin amaan ahaan sanadihii lasoo dhaafay. Taliyaasha ciidamada AMISOM ee deegaanada Jubbaland ayaa dhankooda laga dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland iyo warbixin kale oo la xiriirta qorshaha sanadka cusub ee AMISOM. Qorshaha ugu horeeyay ayaa lagu sheegay in la isku furi doono wadada isku xirta Jamaame iyo Kismaayo iyo wadada kale ee xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow, iyadoo howlgaladaasi la bilaabi doono sanadka cusub. Dhammaan deeganada ka maqan gacanta Jubbaland ayaa la isla meel dhigay in laga saaro Al-Shabaab iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka AMISOM, kuwa Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites