Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga fileysan karaa magaalada BAYDHABO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxaana lagu balansan yahay 19 bishaan December.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa u muuqda mid halis gali kara, haddii aanan wax laga qaban weerarada kusoo kordhay magaalada, kuwaasi oo aan dhici jirin xiligii talada uu hayay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Halista kale ee imaan karta ayaa ah in ciidamada cusub ee la geeyay magaalada oo aan kala aqoon ay waxyeelo gaarsiin karaan dadka rayidka ah inta ay la dagaalamayaan dadka falalka amniga ka hor imaanaya geysanaya.

Amaan darada ayaa haddii ay sii kororto waxay saameyn ku yeelan kartaa doorashada Koofur Galbeed oo la qorsheynayo in 14 maalin kadib ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Arinta ayaa u baahan in si weyn loo eego xaalada amaan ee kusoo korortay magaalada Baydhabo, waxaa hadda magaalada ku sugan ciidamo dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay magaalada.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay ayaa horey u sheegay inay ka war heleen qorshe Al Shabaab ay damacsan yihiin oo ah iney carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed.

Arintan ayaa keeni karta in Al Shabaab marka ay sahmiyaan falcelinta laamaha amaanka ee weerarada bilowga ah kadib inay weeraro halis kale keeni kara ka geystaan magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this