Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Amray in si deg deg ah loo furo kulanka Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan guddiyada Baarlamaanka ayaa caawa waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah.

Shirkaasi guddiyada ay yeesheen waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa faray in xildhibaanada Baarlamaanku ay si deg deg ah kulan bari ugu yeeshaan xarunta golaha Shacabka.

Amb Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigii la sheegay in lakala diray ay horgeeyn doonaan Baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan in kulankii caawa ka dhacay Villa Hargeysa ay goobjoog ahaayeen guddigii la sheegay in lakala diray.

In ka badan isbuuc waxaa hakad ku jiro fadhiga Baarlamaanka oo uu ka dhexjiro is qab qabsi ku aadan kala diristii lagu sameeyay guddiga maaliyada.

Hoos ka Daawo Sawirada

Kulan-7.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-6.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-5.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-4.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-3.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-2.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Kulan-1.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Amray in si deg deg ah loo furo kulanka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this