Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar caawa ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xaaladda oo kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka “Control” laga soo galo magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo,  waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada.

Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan.

Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay.

Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.

Xalay sidaan oo kale weerar bambaano ayaa ka dhacay mid ka mid ah guryaha ku yaala Xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano hore iyo nabadoon laga yaqaan magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this