Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lala eegtay kolanyo ka tirsan AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lagu eegtay halkaasi Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Dadka degaanka oo u waramay idaacadda Shabelle waxay xaqiijiyeen in qaraxa oo jugtiisa ay si wayn umaqleen lala beegsaday cutubyada ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta xili ay marayeen isgoyska Ex-kontarool Balcad.

Lama ogga hadii uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada Midowga Afrika kasoo gaaray weerarkaan qaraxa loo adeegsaday.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada falkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dhacdooyinka noocaan ah fuliya.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa aalaaba laga soo wariyaan falalka ceenkaan, kuwaasi oo khasaarooyin kala duwan ugeystay ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka.

The post Qarax lala eegtay kolanyo ka tirsan AMISOM appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this