Deeq A. Posted December 4, 2018 Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axamed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa uyeeray saraakiisha ciidamada maamulkaan. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo la faray inay yimaadaan caasimad dowlad goboleedkaan ee Dhuusamareeb ay ka qaybgeli doonan shir deg deg ah. Shirka ayaa la fahansan yahay in lagu lafaguri doono arrimaha ku xeeran amniga maamulkaan, qalabaynta ciidanka iyo guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Macluumaadka la helayo ayaa tibaaxay in shirka uu shir gudoomin doono Madaxwayne Xaaf, islamarkaana uu socon doono maalmo. Degaano iyo degmooyin ka tirsan Galmudug waxaa qayb kamid ah maamusha Al-Shabaab xili la filayo in lagu soo qaado shirkaan sidii looga xorreyn lahaa. The post Xaaf oo uyeeray saraakiisha ciidamada Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites