Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Weriye Caan Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Loogu Xidhey Gaadhigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho lagu dhaawacay wariye Ismaaciil sheikh Khalifa oo kamid ah wariyaasha ka howgala Muqdisho.

104608171_952a66f5-71bf-4596-baea-23d9c1

Weerarka ayaa la sheegay in xiliga salaadda Casar uu ka dhacay wadada Maka Al Mukaram. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ayaa soo sheegay in xaaladda wariyaha ay aad u darantahay, dhaawac ugu badan na uu ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirka iyo caloosha.

Gaari uu watay wariayaha ayaa la sheegay in loogu dhajiyay walxaha qarxa. Dhaawaca wariye Ismail sheikh Khalifa ayaa la geeyay Isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfer.

Xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Saxafiyiinta Cabdikadir Faarax Dulyar ayaa BBC-da u sheegay in ay aad uga naxeen weerarka lagu qaaday wariyaha, ayna Dowladda Federaalka ka dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkan.

Dulyar ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo uu qabay wariyaha.

Ismaaciil sheikh Khalifa ayaa la sheegay in uu u doodi jiray xuquuqda wariyaasha mudadii sannadka aheyd ee uu madaxda ka ahaa ururka xuquuqda aadanaha ee wariyaasha, isagoo na sidoo kale wax ka dhigayay mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this