Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh/dhexe: Beello Dagaallamay Oo La Heshiisiinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhex-dhexaadin ka dhex wada beello dhowaan ku dagaallamay deegaan ku dhow magaalada jowhar.

Waxa uu maamulka joojiyey in wax dalag ah lagu beero dhul ku yaalla deegaanka Maandheere, kaasi oo dagaalkaasi uu ka dhashay.

Guddoomiyaha magaalada Jowhar, Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dagaalladaasi aanay dib usoo laaban doonin, lana xallin doono wax walbo oo ay beelahan isku haystaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in waxgaradka Labada dhinac la isku wacay, islamarkaana la amba qaadayo xallinta wixii dhacay iyo sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadda.

Beello walaalo ah ayaa todobaadkii tagey ku dagaallamay dhul beereed ku yaalla deegaanka Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this