Deeq A. Posted December 4, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA. Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ayaa sheegay in Ninkan uu maleegayay Qaraxyo ka dhaca gudaha dalka. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay xubin ka tirsan Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”. Ayaa lagu yiro qoraalkan oo lagu bogga Twitter-ka ee NISA. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha M/ Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Dalka ka socday Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM. The post Ciidanka amniga Oo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites