Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisado siyaasadeed Oo ka jira deegaanada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Jahwareer siyaasadeed ayaa xillagan ka taagan deegaanada maamulka Puntland, waxaana uu ka dhashay magacaabida laba guddi oo ay waqtiyo isku dhow soo kala saareen Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Cabdullaahi Xaaji  Cumar Camey.

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiilada maamulkaasi, waxaana xigtay magacaabistaas Digreeto midan la mid ah oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Arrintan ayaa waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo ka dhex oogmay labadaasi mas’uul.

Sidoo kale deegaanada maamulka Puntland waxaa ka taagan hadal heynta khilaafka cusub ee arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

C/xakiin Cabdullaahi Xaaji  Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in Gaas uu baal maray habraacii loo marayay dhismaha guddigan, maadaama ay aheyd Dastuuriyan in uu kala tashado magacaabista guddigani, isaga iyo  guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Dhankiisa Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo saacado ka hor la kulmay  guddiga uu shalay magacaabay ayaa tilmaamay in guddigaasi uu ku dhisan yahay hab cadaalad ah, hadalkaas oo u muuqday mid ka soo horjeeda fikirka uu qabo ku xigeenkiisa Camey.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka sare ee Puntland oo shir jaraa’d maanta ku qabtay Garoowe ayaa ka soo horjeestay xubnaha Gaas u magacaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Puntland.

The post Xiisado siyaasadeed Oo ka jira deegaanada Puntland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this