Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Oo ku wajahan Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-War ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan saacadaha soo socda uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiye Mursal ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la xariiro arrimo ku aadan doorashada K/ Galbeed Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono qaar ka mid ah Musharraxiinta maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyuhu uu qorsheynayo in uu dib u soo celiyo Ciidamadii ay dhawaan DFS u dirtay magaalada Baydhabo ee G/ Baay.

Xiisado ka dhashay Ciidamadaasi ayaa labadii maalin la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaaladaasi.

Ololaha doorashada K/ Galbeed ayaa si weyn uga socda M/ Baydhabo, taas oo la qaban doono 19-ka bishan December ee 2018-ka.

The post Guddoomiye Mursal Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this