Deeq A. Posted December 4, 2018 Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal oo ku socda jawi hoose ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay diyaaradahaasi oo ku socda joog hoose lagu arkay deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda halka laga leeyahay diyaaradahaasi dagaal ee dul heehaabaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dadka deegaana ayaa cabsi ka muujinaya in duqeyn xoogan ay ka dhacdo halkaasi, maadaama deegaanadaasi ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Muddooyinkii dambe waxaa duqemo dhinaca cirka ah ay ka dhacayeen deegaano ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug. The post Diyaarado ku socda Joog hoose Oo lagu arkay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites